Madiino waxaa ku soo kordhay in laga furay goob/Dukaano ganacsi halkaas oo lagu iibiyo badeecooyinka ay u baahan yihiin Dadka Degaanka.
Badeecadaha la geeyo Madiino hadda waxaa ka mid ah Sonkorta, Caleenta, Dharka iyo bagaash kala gadisan.
Badeecadaha la geeyo Madiino hadda waxaa ka mid ah Sonkorta, Caleenta, Dharka iyo bagaash kala gadisan.
Sidoo kale Madiino ayaa noqotay meel lagu kala iibsado Xoolaha-Nool iyo Hargaha, arintaa ayaa timid ka dib markii ay Dad badan u soo guureen nawaaxiga Madiino, Dadkaas oo dabcan dhamaantood Xoollo dhaqato ah. Waxaa la filayaa in ganacsigan uu si dhaqso leh u kobci doono, Tuuladda waxay baahan tahay Badeecooyinka aas-aasiga ah kaas oo ay ku bedelan karto Xoollaha ay dhaqdaan Dadka degaanka.
Dhanka kale Madiino waxaa si habsami leh uga socda Waxbarashada Aas-aasiga ah, waxaa kaloo la qorsheynayaa in dhowaan laga dhiso Madiino Dugsi Quraan ka wayn midka hadda jira loona qabto Macalin Diinta si wanaagsan ugu xeel-dheer (insha-Allah).

No comments:
Post a Comment