Tuuladda Madiino waxay dhacdaa koonfur bari Degmadda G/haarey Gobolka Gedo Soomaaliya, Tuuladda waxaa magaceeda lagu mataaneeyay Magaaladda barakeysan ee Madiina Munawara. Madiina ayaa dhowaan soo shaac baxdey ka dib markii ay dadka degaanka muujiyeen karti iyo hufnaan aad iyo aad u fara badan.
Tuuladda Madiina waxay leedahay Maamul ka kooban 1)-Gudoomiyaha Tuuladda Xasan Ibraahin Cabdi (Julaas). 2)-Maamulaha Waxbarashadda Axmed Xarbi Xuseen (Daqare) iyo Macalimiinta Iskuulka iyo Odoyaasha dhaqanka oo laga xusi karo Nabadoon Kadiye Ibraahim Cabdi (Julaas).
Madiino waxay leedahay Dugsi Quraan, Iskuul Aas-aasi ah (primary), Ceel-Biyood nooca ku shaqeeya bamka dabeysha , Masaajid (Mowlac ah) iyo Goob Caafimaad iyo Dukaamo qorshuhu yahay in laga hirgaliyo. Tuuladda Madiino wuxuu dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay Xoolaha (nooc walba) iyo waliba tacabka Beeraha roobka ku baxa, Dadka degaanka Madiino waxay marwalba u heelan yihiin sidii ay noloshooda u wanaajin lahaayeen.
No comments:
Post a Comment