Saturday, April 10, 2010

KULAN QADKA TELEFOONKA: Wada-Tashi iyo Iskaashi oo si wanaagsan u qabsoomey.

MADIINO Gedo Soomaaliya:
4-10-2010

Waxaa si rasmi ah u qabsoomey Kulan Qadka telefoonka oo sadex-geesood ahaa kaasoo looga hadley laba arimood 1)-horumarinta Beesha Madiino iyo 2)-Hogaanka Dadka Degaanka. Kulanka oo ahaa mid jawi wanaagsan iyo afgarad ku dhamaadey waxaa ka qayb qaatey Caaqilo, Culimo, Odayaal, Dhalinyaro iyo Ikhyaar kale oo kala joogay.
1)- G/Haareey
2)- Baardheere
3)- Waqooyiga Ameerika.
Kulanka iyo sida uu ku dhamaadey oo faahfaasan waa la diyaarinayaa (insha Allaah goor dhow) ayaan soo daabici doonaa

Thursday, April 1, 2010

MADIINO: oo noqotay Saylad lagu kala iibsado Xoolaha-nool, Hargaha iyo Badeecooyin kale..

MADIINO: Gobolka Gedo. Warabixintii u dambaysay.
Madiino waxaa ku soo kordhay in laga furay goob/Dukaano ganacsi halkaas oo lagu iibiyo badeecooyinka ay u baahan yihiin Dadka Degaanka.

Badeecadaha la geeyo Madiino hadda waxaa ka mid ah Sonkorta, Caleenta, Dharka iyo bagaash kala gadisan.